Timirta iyo Faa’idadeeda


 



Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano “Pectin”
Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.

Timirtu waa Cuntooyinka ku Hodonka ah Maadada Mangnesium ka taas oo Jidhka ka ilaalisa Xanuunka Cancer ka, geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa’iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow daawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi (ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo.


TimiriTimirta waxaa ku jiro oo kabuuxa vitaminis badan  macaadin  iyo  fiber oo ah maado ka qeyb qaadato dheef shiidka caloosha  miraha macaan ee timirta waxaa kujira oo ey ka koobantahay sulphur, iron, potassium, magnesium phosphorus kuwaas ah maadooyin cafimaad u leh cafimaadka

1.      Ka hortaga indha la’aanta :Timirtu waxey kahortagtaa cudurka indha la’aanta habiinkii timirtu cunisteeda waxey ka hor tag utahay cudurada iyo xaladaha lasoo darsa maqalka dhagaha iyo araga indhaha iyo cuno xanuunka .

2.      Daaweynta shubanka iyo calool baxa : timirta bisil waxaa kujira madada potassium.ka  oo la ogyahay iney firfirconi udaweyso xaaladaha ku yimaado caloosha.

3.      Ka hortaga canser.ka caloosha :cilbi baaris lasameeyay ayaa tilmaameysa  mirahya timirta ee yihiin habka ugu wanagsan  ee lagu yareyn karo qatarta cudurka caloosha ku dhaca .

4.      Kor u qaadida shaqada wadnmaha : timirtu waxey qeyb weyn ka qadataa inuu sare u kaco shaqada wadnaha iyo caafimadkiisa.

5.      Waxey u gwanagsan tahay hananka neerfa:  vitamiinada ku jira timirta waxey suurta galiyaan in neerfaha uu sifiican u shaqeeyo .

6.      Waxey kordhisaa tamarta qofka : miraha timirta waxaa ku jiro sokor dabiici ah sida ( glucose, fructose lactose) sidaasi awgeed waxey dadaka siisaa tamar iyo firfircooni dagdag ah .

7.      Waxey daweyaan daciifnimada xaga galmada: cunista timirta waxey faa’do badan u leedahay rabitaanka xaga galmada lamaanaha .

8.      Daawada qarasta caloosha : timirtu badana waa cunto caloosha jilcisa , waxaana dadka ka cawda calool fadhiga lagula taliyaa iney jogteyaan cunista timrta.

9.      Xoojinta lafaha : macdanta ku jirta ayaa daraasad lasameeyaywaxey sheegeysaa iney ka qeybqataan  xoojinta dhuuxa lafaha .

10.  Dhiig yarida : timrtu waxey daawo u tahay dhiigyaranta iyadoo qofka siisa nafaqo qofka kusoo celiso dhiiga kamaqan

Comments