لحديث أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول
الله صلى الله عليه وسلم :"أحصوا هلال شعبان لرمضان " أي إجتهدوا في
إحصائه وضبطه، لتكونوا على بصيرة في إدراك هلال رمضان فلا يفوتكم منه شيء .
Xadiiskii Abii Hureyra ilaahey haka raali
noqdee Abii Hureyra wuxuu yiri: ilaahey
rasuulkiisa wuxuu yiri: { koobo ( oo
lasocda ) bisha shacbaan ramadaan dartiis u kooba si aad ula socotaan } ,
bisha shacbaan koobidiisa iyo xifdintiisa ku dadaala si aad unoqotaan kuwo
aqoon ku sugan oo la socdo bisha ramadaan haleelideeda iney dhalatay si eysan waxba in kaga tagin .
Bisha ramadaan habiinka ey dhalaneysay ma arkin
maalinkii adigoo afuran ayaa waxaa lagu yiri : bishii waa lasugay oo way
dhalatay , xalayna maniyeysan soonkii mana ogeyn in bishii dhalatay waxaad
sameynee sacada laguu sheegay kadib cunto waa kaa raxaaran xataa hadii subixii
quracatay , waad afeysanee ( ka jooga iska oo ilaaliya
soonka waxyaabaha buriyo ) soonka markuu dhamaado maalinkaas dib ayaa
usoo qaleynee.
ولحديث سلمة بن الأكوع رضي الله عنه قال:
" أمر النبي صلى الله عليه وسلم رجلا من أسلم أذن في ألناس أنّ من أكل فليصمه
بقية يومه، ومن لم يكن أكل فليصمه ، فإن اليوم يوم عاشوراء".
Xukunka in la afeysto adiga oo afuran hadii laguu xaqiijiyo
iney xalay bisharamadaan ey dhalay , xukunkaas waxaa u daliil ah xadiiskii salamata
ibnu akwac ilaahey haka raali noqdee wuxuu yiri:{ Nabiga صلى الله عليه وسلم amaray nin qabiilada aslam kamid ah
ogeysii dadka dhaxdooda qofkii wax cunay hasoomo maalinkiisa inta ka hartay ,
qofkii aan wax cunin hasoomo , maalinkaas waa maalinkii caashuraa}.
Markii hore waxaa waajib ahaa in lasoomo maalinta
cashuuraa waana intaan ramadaan lawaajibinin , caashuuraa waa maalinka bisha Muxaram
ey 10ka tahay , Waxaa waajib ah maalinkaas in lasoo qaleeyo , culimada wey isku
khilaafeen ,sida ahlu cilmiga qolkooda ugu xooga badan wuxuu yahay maalinkaas
in lasoo qaleynayo .
Maxaayelay ogaal la’aanta aadan ogeyn iney bishii iney
dhalatay oo aadan soomin dambi laguugu qorimaa lakiin waajibkii kaa dhicimayo
oo ah maalinkaas in lasoomo waa kusaaran yahay oo dib ayaa kasoo qaleynee .
xukunkaan oo ah maalinkaas kaatagay inaad soo qaleyso asiga udadaal badan maxaa
yeelay waa cibaado weyn , xukunkaan waxaa qabo ahlu cilmiga inta ugu badan .
Ahlu cilmiga qaarkood waxey dheheen sida sheykhul Ibnu
Teymiyah iyo ardaygiisa Ibnul Qayim ilaahey haka raali noqdee
labadooda : hadaadan ogeyn xalay iney
bishii ramadaan iney dhalatay oo aad ogaatay inaad afeysatin waa waajib , maalinkaas
kaatagay in lasoo qaleeymaayo ayey
dhaheen.
Waxaa lagu dhahay hadalkaas xagee ka keenteen hadalkaas oo ah in maalinka kaa tagay lasoo
qaleyneynin { waxey dhaheen waxaan uga qiyaasaneynaa qofkii xalay niyeystay
oo sooman maalinkaas haduu is hilmaamo oo wax cuno ama cabo sharciga wuxuu
leeyahay qofkaas soonka wuu ujiraa , midka gafay uga qiyaasaneynaa midka
himaamay ee wax cunay ama wax cabay .
Waxaa lagu dhahay farqi ayaa u dhaxeeeyo , laba shey oo farqi u dhaxeeyo lesgama qiyaas qaato
, labada qofood kan wax hilmaamay oo wax
cunay iyo midka midka shey waajib katagay oo ah in niyada lala bariyo habiinkii
la niyeysto , labadooda waxey ka siman yihiin dambi la’aanta , waxey kukala
duwan yihiin midna shey waajib ah ayuu katagay oo ah in soonka laniyeysto ,
midka kale wuxuu ku dhacay shey xaaran ah ( maalin ramadaan ayuu wax cunay
hilmaam awgiis ).
Shiikh Ibnu Teymiyah iyo ardaygii Ibnul Qayim waxey
kaloo kudoodeen { qofka wax cunay maalin ramadaan asigoo hilmaamsan waajib ayuu
katagay maalin ramadaan ayuu wax cunay ,wuxuu lamid yahay qofkii aan niyeysan
habiinkii ramadaan oon ogeyn iney ramadaan tahay kadibna afaeystay. Labadooda
waxey isku mid ka yihiin waajib ayeey ka tageeen .
Waxaa loogu jawaabay waxyaabaha wax afuriyo in laga joogsado
waa rugni , {labada qofood waxey kukala duwan yihiin qofna waa qof cibaadada
bilaabay maalinkii bilawgeeda oo maalinka dhexdeeda qalad ka dhacay , qof waa
qof aan cibaadadii bilaabin}.
Waxaan soo ogaanay in laba shey lagu soomi karaa
laguna ciidi karaa oo kala ah 1- in
bishii ramadaan ey dhalatay oo la xaqiijiyay , 2- iyo in bishii shacbaan ey
dhamaatay . Muslimiinta wey kala fogyihiin xaga juquraafi ahaan , meel muslimiinta kamid
ah hadii bishii lagu arko malagu soma ?mase inta oraxda isku mar usoo baxdo
meel kamid ayagana wey kusoomayaan
xukunkaas ayaa halkaan ku eegeynaa inshaa Allah.
Culimada inta ugu badan , madaahibta afarta ah marka laga reebo
shaaficiga waxey ku tageen hadii bisha laga arko magaalo kamid ah magaaloyinka
muslimiinta inta iney waajib ku tahay iney soomaan , maxaa yeelay Nabiga صلى الله عليه وسلم markuu leeyahay aragti kusooma aragtina ku
afura lahadli maayo gobol kamid ah
gobolada musliinta ee wuxuu la hadlayaa muslimiinta dhammantood.
Qolka shaaficiga wuxuu leeyahay : dadka isku mar
oraxda usoo baxdo meel kamid hadii bishii lagu arko dadkaas soonka waa ku waajib , lakiin dadka ey isku madaalicda
eheyn markey arkaan ayey soomayaan , hadalkaan waa hadalka ugu ansaxsan qolka shaaficiyada
agtooda waxaa kaloo hadalkaan qaba madhabka xanaabilada .
Wuxuu rajaxay shiikhul islaam Ibnu Teymiyah:
meesha xukunka laga qaadanayo bisha in
la arkay waa iney soo garto dadkaas maalintii inteysan dhammaanin kahor(maalinkii
inteysan dhamaanin ka hor hadey soo garto maalinkaas wuu afeysanaa ) , maalinkii
hadey dhamaato ( oo maalinkaas oraxda dhacdo ) kadib eysoo gaarto in
bishii dhalatay ayaga maalinkaas qaley
mayaan ee maalinka ka danbeeyo ayuu soonka ubilabanaa .
Magaalo adigoo joogo ayaa bishii dhalatay waad soontay waana safartay
waxaa tagtay magaalo kale , magaaladii markaa tagay adiga sodon aad marsiineyso
ayaga soonkii ayey sii wataan , maxaad sameynee ? magaaladii aad katimiday
waxey doonaan haku sugnadeen , waxaad ku
xukun tahay magaalada aad timid .
والأصل في هذا قول النبي صلى الله عليه وسلم
" الصوم يوم تصومون، والفطر يوم تفطرون ، والأضحى يوم تضحون " .
قال الترمدي رضي الله عنه : " وفسّر بعض
أهل العلم هذا الحديث فقال : إنما معنى هذا :
الصوم والفطر مع الجماعة وعظم الناس "
Asalka xukunkaan u daliil ah waa hadalkii Nabiga صلى الله عليه وسلم : soonka waa maalinka aad soomeysaan ,
afurka waa maalinkaad afureysaan ,ciidul adxaa waa maalinka aad
udxiyeysaneysaan oo dadka badankooda udxiyeysanayaan .
Tirmidi wuxuu yiri : waxaa fasiray xadiiskas kor
kusoo shegnay ahlu cilmiga badankooda
waxeyna ku fasireen soonka iyo afurka jamaacada lajirkooda ayuu ahaaday
iyo dadka badankooda , in lala soomo dadka oo lala afuro hadii bishii sugnaatay
, oo aan lagu xirin meel gaar ah in bishii laga arko.
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول
الله صلى الله عليه وسلم :" أتاكم رمضان شهر مبارك، فرض الله عز وجلّ عليكم
صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغلّ فيه مردة
الشياطين ، لله فيه ليلة خير من الف شهر ، من حرم خيرها فقد حرم".
رواه أحمد 7148 والنسا ئي 2106
Axmed Ibnu Xambal iyo Nisaa’I Abii Hureyra waxey ka wariyeen ilaahey
haka raali noqdee inuu yiri: ilaahey Rasuulkiisa wuxuu yiri: Ramadaan ayaa
idiin yimid waa bil labarakeyay ilaaheey
ayaa waajib kaga dhigay korkiina bishaas
soomkeeda , bishaas dhexdeeda albaabada samada ayaa la furaa, waxana laxiraa bishaas dhexdeeeda albaabada
jaxiimo , waxaa lakatiinadeyaa shayadiinta kuwooda madaxa adag , ilaahey waxaa
ugu sugan bisha dhexdeeda hal habiin oo ka kheyr badan kun bilood , qofkii laga
hoojiyay habiinkaas kheyrkeeda oo aan ka faa’ideysan qofkaas kheyr waa laga
hoojiyay .
Xadiiskaan waxaa kusugan bishaaro loogu
bishaareynayo adoomada ilaahey ee wanagsan
soogalida bisha ramadaan ee la
barakeeyay , Nabiga saxaabada wuxuu u
sheegay bisha soogadeeeda ey soo gashay , sheegida Naniga صلى الله عليه وسلم u sheegayo ma eheyn mid aan macno xambarsaneyn
, macnaheeda waxey eheyd in muslimiinta
loogu bishaareyo xilli cibaadeed weyn , xilli cibaadeeedkaas ey qadariyaan
adoomada wanaagsan .
Maxaa yeelay Nabiga صلى الله عليه وسلم wuxuu ku cadeeyay xadiiskaan dhexdiisa ilaahey wuxuu u diyaariyay
adoomadiisa oo ah asbaabada dambi dhaafka iyo raali ahaashaha sababaha lagu
gaaro ah , sababahaas wey badan yihiin ,
qofkii ey dhaafto in loo dambi
dhaafo bisha ramadaan dhexdeeda waa qof kheyrkii laga hoojiyay hoojin meshii
ugu dambeysay.
Xaafid Ibnu Rajab kitabkiisa لطائف المعارف wuxuu dhahay ( culimada badankood waxey
dheheeen : xadiiskaan asigaa asal iyo
daliil u ah dadka iney iskugu
bishaareyaan qaarkood qaarka kale bisha Ramadaan , ramadaanka dhalashadiisa
ayaa kafarxad badan ciida , sideebaa
loogu bishaareyneeynin qof mu’min ah
albaabada janooyinka in la furay?
Sidebaa loogu bishaareyneeynin
qof dambaabay albaabada naarta in la xiray ? Sidebaa loogu bishaareyneeynin qof caqli leh wakhti
la katiinadeeynayo shayaadiinta ? halkee kaga egyahay wakhtigaan wakhti kale .
وعن سلمان الفارسي رضي الله عنه قال : خطبنا
رسول الله صلى الله عليه وسلم في آخر يوم من شعبان فقال :" أيها الناس قد
أظّلكم شهر عظيم ،شهر مبارك ،شهر فيه ليلة خير من ألف شهر ، جعل الله صيامه فريضة
، وقيام ليله تطوعا ، من تقرّ ب فيه بخصلة
من الخير كمن أدّى فريضة فيما سواه ، ومن أدّى فيه فريضة كان كمن أدّى سبعين فريضة
فيما سواه ، وهو شهر الصبر ، والصبر ثوابه الجنة ، وشهر المواساة ،وشهر يزداد فيه
رزق المؤمن ........ وشهر أوله رحمة ،
واوسطه مغفره ، وآخره عتق من النار ، من خفّف عن مملوكه غفر الله له وأعتقه من
النار.
Waxaa laga wariyay Salmaanul Faarisiyi ilaahey
haka raali noqdee wuxuu yiri: waxaa noo khudbeeyay ilaahey Rasuulkiisa صلى الله عليه وسلم maalinkii ugu dambeeeyay ee shacbaan
Rasuulka alle wuxuu yiri : { dadoow waxaa idin soo hareeyay bil weyn , waxaa
idin soo hareeyay bil labarakeeyay , waxaa idin soo hareeyay bil ey ku sugan
tahay habiin ka kheyr badan kun bilood , ilaahey wuxuu kayeelay soonka bishaas lasoomo waajib,
habiinkiisa oo cibaado loo tagnaado alle wuxuu ka dhigay sunno , qofkii bishaas
ugu dhawaado arin kheyr ah oo sunno ah wuxuu lamid yahay qofkaas , qof gutay
waajib kasoo haray bisha
Ramadaan.
qofkii gutaa waajib bisha ramadaan dhexdeeda wuxuu lamid yahay qof gutay todobaatan waajib oo bilaha kale aan eheyn bisha ramadaan , Ramadaanka waa bisha sabarka , sabarka ajirkiisa waa janno , Ramadaanka waa bishii wax qeybsiga waa bil muslimiinta ey nolosha qeybsanayaan oo intooda wax heysata ey nolosha la qeybsanayaan intakale, waa bil qofka mu’minka risqigiisa la kordhiyo , waa bil awalkeeda ey tahay Raxmad , bishaas dhexdeeda la iskugu dambi dhaafo , bishaas aakhirkeeda Naarta la iska xoreeeyo , Qofkii ka fodudeeyo adoonkiisa deynta uu kulahaay ilaahey ayaa u dhafaa , naarta ayuuna ka xoreeynaa .
Bisharada Bisha Ramadaan
وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول
الله صلى الله عليه وسلم : " إذا كان أوّ له ليلة من شهر رمضان صدفت الشياطين
ومردة الجنّ ، وغلّقت أبواب النار فلم يفتح منها باب ، وفتحت أبواب الجنة فلم يغلق منها باب ، وينادي مناد يا باغي الخير
أقبل ، ويا باغي الشّرّ أقصر ، ولله عتقاء من النار وذلك كلّ ليلة ". رواه الترمدي وابن ماجه ، وهو حديث صحيخ .
Tirmidi iyo
Ibnu Maajah waxaey Abii Hureyra kawariyeen ilaahey haka
raali noqdee , Abii Hureyra wuxuu yiri:
ilaahey Rasuulkiisa wuxuu yiri: { hadii uu xasilo ama ey dhalato
habiinka ugu horeeyo bisha Ramadaan shayadiinta ayaa laxir xiraa iyo Jiniga madaxa
adag , Bishaas Ramadaan markey dhalato waxaa laxiraa albaabada naarta mana lafuraayo albaabada naarta albaab kamid
ah , waxaa lafuraa bishaas Ramadaan markey dhalato albaabada janada mana
laxiraayo albaada janada albaab kamid ah .
waxaa naadinaayo ( oo dhawaqayo ) oo dhahayo midka
kheyrka dalbayoo soo qaabil , midka sharta dalbayoo gaabso bishaan waa bil cibaado , inkastoo bilaha oo
dhan laga rabo adoomada Alle cibaadadiisa bishaan waa bishii kheyrka iyo dambi dhafka…. , Alle waxaa usugan kuwo oo ka xureynayo
naarta , arintaas oo ah adoomada Alle in naarta laga xureeyo waxey dhacdaa habiin
walbo oo bisha Ramadaan kamid ah.
Bisha Ramadaan dhexdeeda badsada afar arimood , labo
arimood badsada labadaas aad ku raaligaleyneysaan Rabigiina , labo arimood
badsada labadasoo xagooda aadan ka deqtooneyn , Labada arin ee Alle ku
raaligaleyneysaan waxaa waye: inaad ka marqaati kacdaan Alle xaq lagu
caabudo inuusan jirin Alle kaligiisa mahiinee inta kale ee kasoo hartay gardaro ayaa lagu caabudaa, Labada
arin aadan ka marmeynin waa : inaad
Alle janno weydiisataan naarna ka magangashaan .
ورّوي عن عمر رضي الله عنه أنه كان يقول إذا
دخل شهر رمضان : " مرحبا بمطهّرنا ، فرمضان خير كلّه صيام نهاره وقيام ليله ، والنفقة فيه كالنفقة
في سبيل الله " .
Cumar waxaa laga wariyay ilaahey haka raali
noqdee: Cumar wuxuu aha mid
yiraahda bisha ramadaan markey soogasho
{ soo dhawow midka nadahirayow , Ramadaanka waa kheyr kulligiis soonka
maalintiisa iyo qiyaamu leylka habiinkiisa ,nafaqo in labaxsho waxey lamid
tahay nafaqada lagu bixiyo kuwa jihaadka
kujiro , oo kalimada Alle kor iney
noqoto u jihaatamayo .
Fadliga ilaahey waxaa kamid ah ilaahey waa sareeyaahee
iyo nimcooyinka waa weyn adoomadiisa uu
ugu nimceeyay : Ilaahey wuxuu udiyaariyay xilliyaal fadli badan si ey uga qaniimeystaan ( uga faaideystaan ) xilliyaalkaas daacada
Alle , sidookale ilaahey wuxuu
udiyaariyay wakhtiyalkaas iney noqdaan goobo lagu tartamo oo adoomada Alle ey ku tartamaan si ey uga
faaideystaan xilliyalkaas .
Xilliyada cibaada waxaa loo dajiyay si ey ugu gaaran
rajadooda rajadaas waxaa lagu garaa
dadaal daacada Alle lagu dadaalo , iyo
dal-daloolkii la iska suuliyo iyo nusqantii
( dunuubtii hada kahor kaa dhacday
iyo nusqanta diineed inaad iska suuliso ) , gadaal inlaga gaaro oo Alle loo towbad keeno .
Ramadaanka gaarista uu qofka gaaro waa nimco weyn , qofkey nimcada utahay waa qofkii gaaro bisha Ramadaan oo u istaagay
bishaas xaqeeda oo ka faaideystay
bishaas . qofka nimcadaas ka faaideystay waa qofkii habiinkii u istaagay
salaatu leylka iyo taraawixda malintiina sooman , qofkasoo u laabtay sayidkiisa oo macaasidii dhacdayna katowbad keenay daacadii
Alee usoo labtay , waa qofka hilmaamida
digriga Alle kasoo labtay ee usoo labtay xuska Alle , waa qofka fogaasha Alle
kasoo labtay ee usoo labtay towbadkeenka Alle.
Waxaa waajib ku ah qofka muslimka ah inuu dareemo
nimcadaan , haduu Ramadaanka Alle
gaarsiiyay , nimcadaan weynankeda waa inuu garto , inta badan ee dadka kamid ah soonka waa laga
hoojiyay dadkaas qeybo kamid inta eysan
gaarin ramadaan wakhtigooda galay oo mowdkii ayaa asiibay , dadka qaar wey
awoodi wayeen sababo caafimad dartood , kuwo kale oo dadka kamid ah wey
baadiyeysan yihiin oo soonkii wey ka jeesteen , hadaad soonka soogarto bisha
Ramadan oo aad cafimad qabto nimco weyn ayaad heysataa Alle uga mahadceli .
Qofka sooman
Rabigiis ha umahad noqo nimcadaas uu siiyay , hana kusoo dhaweeyo
ramadaam farxad iyo jecleysi uu jecleysanayo bishaas , waa inuu kudadaalo qofka acmaasha wanaagsan
, waa inuu Alle ka baryo inuu Alle ku
risaaqo soonka lasoomidiisa iyo qiyaamka la istagidiisa sida : salaatu leylka
iyo tarawixda .
Waa inuu Alle ka baryo inuu ku risaaqo bisha Ramadaan
dhexdeeda dadaal awood iyo firfircooni si uu uguto acmaasha wanagsan ee loo
bahan yahay si bishaas looga faa’ideysto , waxyabaha haboon in fiiro gaar ah
looyesho waxaa kamid ah : Insaanka
Ramadaanka waa loogu kalmeynaa , waxaa
waajib ku ah qofkaas inuu wakhtigiisa ka faaideysto .
Waxyaalaha laga murgo/tiiranyoodo waxaa kamid ah :
inbadan oo dadka kamid ah uma yaqanaan
xilliyalka kheyradka qiimaha uu leeyahay
umana arkaan xurmada uu leyahay xilliydakaas kheyradka ah , bisha ramadaan agtooda uma ahan
xilli daacada alle laguto , xillli cibaado uma ahan , xilli qur’aan akhris uma
ahan , xilli sadaqo uma ahan , xilli xuska allle labadiyo uma ahan , dadkaas
waxey uyaqaniin xilliyadka daacad Alle laguto: xilliyo lasameeyo cuntooyin kala duwan iyo
cabitaano kala duwan lasameeyo ,dumarka guryaha joogo lagu mashquuliyo
cuntoyinkaas oo laga mashquuliyo daacada Alle.
Dadka waxey uyaqaniin bisha ramadaan bil lasoo jeedo
habiinki lana jiifto maalintii , waxaa dhacdo inuusan kusoo jeedin daacada alle
, waxaa kamid ah dadkaas gobol kasexdo salaadaha waajibka ah ee aan ladukanin
jamaacada , dadkaas qaar kamid ah ayaa dukaneynin wakhtiga salaada .
Koox kamid ah dadka uma yaqaniin bisha ramadaan
xilliyadka kheyrka badan ee aakhiro loo shaqeysto ee waxey uyaqaniin xillli
aduunyo latacbado , waxey firfircooni galiyaan iney wax soo iibsadaan waxna
iska iibiyaan , waxey laasimaan /joogteyaan / ubadan yihiin suuqyasha waxey ka
haajiraan masaajida , hadey dadka ladukadaan aygaoo dahdag kujiro ayey dukadaan
, sidaas ayuu isku badalay fahamyalkii
saxda ahaay , ilaahey ayaa kaalmo
kadalbeynaa.
Comments
Post a Comment